June 28, 2009
Labadii Nin markay in Cabbaara Sheekadii wateen, bay malaha Sheekadii la gashay Diinta iyo ka hadalkeeda. Maadaama ay u bogeen Naxariista Ilaahay iyo Caddaaladda Islaamka, ayaa waxaa Ninkii Reer Sool ahaa kasoo fakatay - Isagoo Madixiisa ruxaya- Ereyga aan Maqaalkaan Mowduuca uga dhignay ee ah
[Naxariista Alle nagu mannaystay waxaa ka mida, Inta Muslin naga dhigay buu Haddana Nabi Muxammed {S.C.W} naga soo dhexsaaray].
Ninkii Reer Hargaysa oo Saaxiibkiisa Reer Sool la sheekaysanayey waxaa dhinac maray Hadalkii Saaxiibkiis, wuxuuna u qaatay inuu leeyahay Nabi Muxammed Nin Dhulbahante ah buu ahaa, maadaama uu Ninkaan Reer Laascanood sheegay in iyaga laga soo dhexsaaray, wuxuuna Saaxiibkiis ku celiyey Su'aashii isagoo leh:
"Waaryaa Hebeloow, Dee Imminka ma waxaad i leedahay Nabi Muxammed annaguu naga dhashay?"
Ninkii Reer Sool inta Qoslay oo malaha ka yaabay sida hadalku u gees maray Saaxiibkiis ayuu yiri: Haa, Nabi Muxammed annaguu naga dhashay.
kama uusan Aamusin Ninkii Reer Hargaysa Arrintii uu Saaxiibkiis ka maqlay, oo malaha wuxuu is yiri (Hubsiino Hal baa la siistaaye) alleelehe ka salgaar Su'aashaada isagoo sii waydiiyey: Waar Ninyohow Miyaad Waalantahay! oo Hadda waxaad i leedahay Nabi Muxammed Dhulbahantuu ahaa?.
Inkastoo uu Ninkii Reer sool dareemay in Saaxiibkiis lunsan yahay oo uusan Fahmin ujeedadii uu uga Dan lahaa Weedhiisa, haddana wuxuu kusii adkaystay inuu Arrinkaba ka dhigo sida danbe ee uu Saaxiibkiis u qaatay, wuxuuna ku yiri, Haa Sxb, Nabi Muxammed sidaad sheegtayba annaguu naga dhashay.
Ninkii Reer Hargaysa isagoo yaabban oo malaha maqlay Arrin aan wali Maskaxdiisa iyoMaankiisa ka daadagin ayuu yiri, Waar Ina adeerow Haddii Nabi Muxammed (S.C.W) Adinka idinka dhashay dee waa kuma Nabigayagu?.
Ninkii Reer Sool Cabbaar buu aamusay, Ul dheer oo uu watana Dhulkuu ku xarxariiqay, wuxuuna ku yiri: Saaxiibow waxaan ummalaynayaa Nabigiinii inuu Nabi Luud yahay!!.
Ninkii Reer Hargaysa Inta haddiiba soo booday ayuu yiri: Waar iga walle kaasi hadduu Nabi kasoo haro inaanaan qaadane Nabi noo sheeg ama inagu kala wad Ninyohow.
Ninkii Reer Laascaanood inta Qoslay ayuuu yiri: War sxb Nabigu ma xumayne Qoomkiisii horaa xumaa, adinkuna Qowm-kiisa danbe oo fiican baa tihiine qaado waakaas Nabigiinuye.
"Waar wallaana kaas Nabi ka dhigan wax walba hadday dhacaan, dee iga wallee waan ku Nabi la'aan haddii kaasi noqdo Nabigayga ayuu yiri Ninkii Reer Hargaysa ahaa oo ay sheekadu dhexmartay Isaga iyo Saaxiibkiis Reer Sool
W/Q/Maxamed cismaan C/nuur Xaashi
Read Full Entry
June 27, 2009
File Under :
sheeko
Markii ay Qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed, gaareen,oo dhex-degeen dadkaas uun bay dad badan oo dalalkaas u dhashay arkeen dabeecado iyo dhaqanno u gooni ah Soomaalida , sida:-Shaah wada-cabidda iyo wada-sheekeysiga, oo dadka qaarkiis ku tilmaamaan 'Fadhi-ku-dirir'.
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo degen magaalo ku taalla mid ka mid ah dalalka deriska ah, ayaa waxay ku kulmeen meel Makhaayad ah. Waxay bilaabeen is-wareysi iyo dood la xiriirta Xaaladda dalka, dagaallada, kooxaha is-haya, siyaasiyiinta jooga saaxadda iwm.
Barqanimadii ayay dhallinyaradu isugu tageen Makhaayadda, bilaabeenna doodda.
Min hal koob oo shaah ah un bay ka cabbeen Makhaayadda(bigeys/caddeys);waxayna dooddoodu socotay ilaa 2:00-duhurnimo.
Makhaayadlihii, Shaqaalihii iyo Rukunkiiba, waxay fursad siiyeen Soomaalidii doodeysay, una firaaqeeyeen geestii ay ka camirteen Makhaayadda,iyagoo ula jeeday tixgelin.
Waxay moodayeen in ay Soomaalidaas doodeysa ku jiraan hawlo culus oo Siyaasadeed, Dib-u-heshiisiin iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada dalka; waayo waxaa dhegahooda ku soo dhacayay hadal-heynta Kooxaha dagaallamaya,magacyada Hoggaamiyayaasha, Degmooyin Soomaaliyeed iyo magacyada Dawladaha faraha kula jira arrimaha dalka.
Dooddaas dheer ka-dib,wuxuu Makhaayadluhu filayay in ay Soomaalidu ka dalban doonaan Qado, Cabitaan iyo Cunnooyin kala geddisan, maadaama ay muddo dheer fadhiyeen meesha oo doodayeen. Wuxuu moodayay in ay u gashay oo helayo kuus lacag ah...!!.
Laakin isku indha-caddeyn, mergiyo-taag, xuurteyn, qolo-qoleyn iyo isu-hanjabaad ka-dib ayay mar keliya wada dareereen Soomaalidii, iyagoo iska caadi ah.
Makhaayadlihii ayaa isagoo yaabban ka daba-tagay Soomaalidii,weydiiyayna wixii ay maanta oo dhan ka doodayeen oo isugu bax-baxsanayeen..!!. Waxayse ugu jawaabeen:-"Waan iska baashaaleynay","Waan sheekeysaneynay","Caadi waaye, dhibaato ma jirto"iwm.
Makhaayadlihii ayaa si kulul oo caro leh u yiri:-"Haddii uu Baashaalkiinnu sidan yahay, sheekeysigiinnuna qaabkan u dhacayso, saacadaha intaas la egna qaadaneyso,waxna aydaan ka cuneyn Makhaayadda, Rukunkiina aad kuraasta ka buuxineysaan, fadlan,Makhaayaddeyda ha iga imaanina mar dambe"..!!.
marka sideed u aragtaan sheegatan ,
Read Full Entry
File Under :
alshabaab,
Arimaha Bulshada
Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay barxada gudaha xerada maslax ee duledka xafada suqa xolaha ee magaalada Muqdisho ka dib markii xoogaga kooxda al shabaab ay ku soo bandhigeen 4 dhalinyaro ah oo lugaha ay silsilado uga xiran yihiin ayna sheegeen in ay yihiin rag caadeystay dhaca dad weynaha islamarkaana ahaa burcad hubeysanwaxaana ka mida u jeedada kooxda alshabaab in cidii aan ayaga raacsanayn ama ka fikir duwan la dilo ama xukunka ay ayagu isyiraahdaan waa ku haboon yahay lagu fuliyo , hadaadse ku soo biirtid oo ka horimaan ujeedadooda , markaas ayaa ka badbaadaysaa xukunkooda ,
Run ahaan Alshabaab waa
dhalinyaradii, hadda dugsiyada sare ama jaamacadaha ku jiri lahayd oo ku dhacay debinka Al-qaacida, dadaalka ay ugu jirto in ay ballaariso aagga ay kala dagaallamayso Maraykanka iyo guud ahaan reer galbeedka. Magacyada la beddeshay (Abu Mansoor, Abu Salma, Abu Quteyba, Abu Muxsin, Abu Zeynab,..)
iyo isbeddelka sida loo lebisan yahay, loo hadlayo, intuba waxay tilmaamayaan in meel aan Soomaali ahayn lagu abtirsado, ujeeddo ka duwan tan Soomaaliyana abuuran tahay


Read Full Entry
Wiilka gabadha soo doontay oo ka mid ahaa ciyaalka xaafada, wiligiisna Qori Qaadin ayaa arintaan la yaab ku noqotay, waxuuna halmar lasoo booday isagoo u jawaabaya duqa dhalay gabadha "Adeer waxaan rabaa in an gabadhaada guursado, ee marabo in aan dhinto oon nafteyda ku khamaaro"Lakiin aabaha gabadha dhalay ayaa hadalkiisii ku adkeystay, wuxuuna u sheegey wiilka in uusan siin doonin gabadhiisa nin aanan ka tirsaneyn kooxaha ka dagaalama Muqdisho ama kooxda Al-Shabaab.
Labadii isjecleyd ee Maxamed iyo Samiiro oo si aad ah isu jeclaa ayaa wada tashi kadib waxa ey go`aan ku gaareen in ay si hoose isu guursadaan kadibna u wada tahriibaan dalka Yaman si ay jaceelkooda ku badbaadiyaan kana doorbidaan tahriibka badda iyo saxarada qaharka ah xujada aabaha.Dhacdadan ayaa waxey noqotay mid ka yaabisay dadka degan xaafada Xamar-Jadiid, waxeyna noqotay dhacdadan mida loogu hadal heeska badan yahay xaafadaasi Read Full Entry
Daarood Waa Beel Ka Mid ah Beelaha Somaliyeed ee dagta Geeska Afrika. Darood Magaciisa oo Buuxa Waa Cabdiraxmaan Bin Ismaciil Al-Jabarti Laakin Ku Magac Dheer daarood.Afka Carabiga Qabiilka Daarood Waxaa Lagu Yidhaa (بني داوود). Afka somaliga Magaca Daarood Wuxuu Ka Kooban Yahay Labo Eray oo Isku Raran Kalana Ah daar oo ah Hooy Iyo ood oo asagana ah meel oodan(oo ku hareereysan Darbi,Geed ,Ood IWM). Inta Badan Dadka Ka soo jeeda Beesha Daarood Waxey Degaan Gobolada Puntland ,Somali galbeed Itoobiya,NDF Kiinya,Koonfurta Soomaaliya , iyo Waliba Yaman. Qaab Dhismeedka Beesha Daarood
Geri
- Issak Hassan, Abayoonis Hassan, Omer Hassan and Ika Hume Geri
- Mareexan
- Howrarsame
- Reer xasan
- Reer faarax ugaas
- Reer axmed xuseen
- reer ziyaad xusen
- Uur Midig
- wagardhac
- Celi
- calidheere
- Ogaadeen
- Maqaabul(Makaahiil & Reer Sacad)
- Gumcadle
- Maxamed Subeer
- Abdalla
- Abudwaaq
- JIDWAAQ
- Bartire
- Absguul
- Yabaree
- Leelkase
- Maalismogge
- Muumin Aadan
- Mahamed Aadan
- Mohamud Ali
- Korshe
- Fiqi Ismail
- Reer Ali Sheikh
- Suhurre
- Reer Awsalaat
- Harti
- Warsangali
- Dubays
- Cumar
- Reer Garaad
- Aadan Siciid
- Reer Saalax
- Reer Faatax
- Bihi door
- Bah Ogayslabe
- Nuux Cumar
- Dhulbahante
- Xuseen Saciid
- Muuse Saciid
- Axmed Saciid
- Dashiishe
- Reer Xaji
- Reer Boqor
- Reer Gabdoon
- Reer Ugaas
- Majeerteen
- Amaanle
- Wabeeneeye
- Siwaaqroon
- Saleebaan
- Warsangali
- Cali Salebaan
- cowlyahan
- cumr cali
- ismacil cali
- bicidyahan cali
- Adam cali
- sicid cali
- Ismaciil
- Musa
- ugaar
- CAbdirahem
- Maxmud
- Ciise Maxamud
- CUmar Maxamud
- Cisman Maxamud
- Nuux Maxamud
- Reer Bicidyahan
- Ismaaciil Ibraahiim
- cali jibraahiil
- cabdulle maxamed (reer naxar, dhuxul sharmarke)
- calli cabdi
- maxamud cabdi
- reer maqawqabe
- reer gurey
- Cali
- Nuux
Read Full Entry
File Under :
Ila Qosol
waxaanu Qaybtan ugu talo galnay in aan bahwaynta soomaaliyeed ee isticmaala internetka ugu soo gudbino wixii sheekooyin ila qosol ah ee ay naftu ku dagi karto. sababtoo ah in nafta la dajiyo oo wax yar oo ku xiiso galiya La akhristaa waa lama huraan, caafimaadkana way u wanaagsan tahay.Nin baa baadiye isagoo jooga gabadh uu u haasawo u ta gay gabadha waxaa la fadhiya wiil yar oo walaal keed ah sidii loo sheekaysanayay baa gabadhii dhuuso ka fakatay markay ay ka fakatay bay kii yaraa oo walaalkeed ahaa oo ag ciyaarya dhirbaaxo uga soo gooysay oo tiri war nagadaa dhuusada belo ku dhashaye ,nin kiina wuu ogaa in aanau yarku dhuusine cabaar ka bacdi ninkii baa dhuuso teedi ka wayan kaga bakh siiyey kii yaraa oo agtiisa ciyaarayuu dhirbaaxo uga soo gooyey o yir warangadaa dhuusada belo ku dhashaye markaas bay tiri oo aada dhuusaye maxaad yarka ku dhirbaxaysaa markaas buu yiri oo waxaan moodaayay hadaba labadeena kii dhuusaada kaga bakh siyaa inuu yarka dhirbaaxyee
nin reer badiye ah baa maqaayad wax ka cunaayay wuxuuna dalbaday canbuulo inleen taas buu bar yaqaanaye. Markuu ka dhargay buu wuxuu maqlay dad agtiisa fadhiyay oo baasto cunaayay, dhahayana "BIIS". Markaas baa loo keenaa baasto iyo hilib KALE. Isagana "BIIS" buu dhahay. Markaas baa loo keenay canbuulo badan. Baasto buu filaayay, laakiin isagoo ciil haayo buu isku dirqiyay. Wuxuu galay ruwaayad socotay. sidii loo fiirsanaayey baa hal mar dadkii oo dhan qayliyeen "BIIS BIIS BIIS" Maxaa yeelay wax qosol ah bay arkeen. Odaygii intuu naxay oo istaagay buu yiri "INAA LILAAHI, AROOY BIISKA NAGA JOOJIYA, BIISKU WAA CANBUULO KALEE'. Midii hore baa wali wadnaha ka heysay.
Ardey iskuuleey ah ayaa waxa ay lahaayeen imtixaan ah maaddada "Arts" ama sawirka, markaa ayaa macallikii inta uu sawirey geed ay saaran yihiin shinbiro ayuu ardadii ku yiri hala sawiro dhaqsada ...Macalinku aradada wuxuu siiyey " 5 daqiiqo" markii ay shantii dhamaatey ayuu yiri haye haye inta gacmaha isku garaacey oo sacabiyey .. Wuxuu macallikii bilaabey in uu aruuriyo warqadaha markaa ayuu arkay waraaqdii ardaygii ugu danbeeyay oo aan geedkeeda shinbiro ku sawirnayn. markaas ayuuu yiri warayaa aaweye shinbirihii geedka saarnaa .. ardaygii ayaa macalinka ugu jawaabey “Dee macalin adigaa sacabiyay"
Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa dadka cad ee dagan magaalada xamar uyimid qabilada soomaali mid kamid ah kuna dhaheen waxaan idinsiiheeynaa hub si aad tuugada iskaaga celisaa waa aqbaleen cidii markii lagaaray habeenkii ayaa cidii xabado kor urideen subaxii ayaa waxaa loo keenay meed lawado waxaana lagu dhahay xalay ayaa idinka disheeen marka diyadiisa dhiiba cidii oo yaabay ayaa dhahday "anaga cidaan waaba kayaabnee cirka xataa ma joogaan"
baribaa waxaa mel daganaa nin martida jecel una roon oo dhaqaaleeya wuxuuna laahaa gabar martida nebec maalin maalmaha kamid ah ayaa nin marti ah la kulmay gabar gurigooda hortiisa haruur ku tumaysa wuxuu usheegay inuu marti yahay ee aabahaa majoogaa
gabadhii waxay ugu jawaabtay aabahay martida tib ayuu dabada kala galaa ninkii martida ahaa wuxuu ku dhawaaday inuu cararo .markaa duqa aabeheed oo hadalkooda guuxiisu soo gaaray ayaa soo baxay isaga oo caan ku ah inuu martida xanaaneeyo wuxuu weydiiyey muxuu rabay ninka yimid waxay ugu jawaabta 'tib ayuu rabay" wuxuu ku jiri maxaad usiin weydey ?
tib ayuu ka qaadey meel uu ku tiirsanaa oo ula dhaqaaqay xaga martiga uyimid ninkii matrida ahaa oo horay u didsanaay ayaa tibdheer iyo oday u jeeday isaga oo leh hoo tibka ninkii martida ahaa arintii uu run u maleeyey orodkiis labo jibaarkiis ayuu cararay isagoo ku dhawaaqaya tib marabo ee idhaaf miskiin ayaan ahay iga har
Read Full Entry
June 26, 2009
File Under :
Arimaha Bulshada,
English,
wararka dunida
Pop icon Michael Jackson dead at 50
Rob Woollard
June 26, 2009 
Michael Jackson, from his days as part of The Jackson 5, poses for the camera in this undated handout photo released June 26, 2009
Michael Jackson is dead after suffering a cardiac arrest, sending shockwaves sweeping across the world and tributes pouring in Friday for the tortured music icon revered as the “King of Pop.”
One of the most influential figures in pop history whose career included the highest-selling album of all-time, “Thriller,” Jackson had been preparing for a concert comeback in London next month he had dubbed “the final curtain.”
News of his death triggered an outpouring of grief as shocked celebrities, foreign governments and devoted fans from
lieutenant Fred Corral, a spokesman for the Los Angeles County Coroner`s office, said an autopsy would likely be carried out on Friday and would not speculate on the exact cause of death.
Jackson`s brother Jermaine, the family`s official spokesman, later revealed physicians had battled for more than an hour to revive the star after his arrival at the
“
Our family requests that the media please respect our privacy during this tough time,” Jermaine Jackson said. “May Allah be with you, Michael, always
.”
As the sun began to sink over
Meanwhile police motorcycle riders surrounded Jackson`s gated mansion as crowds of tourists and fans congregated.
diva Madonna was among dozens of celebrities who struggled to cope. “I can`t stop crying over the sad news,” the singer said in a statement. “The world has lost one of the greats, but his music will live on forever!”
I'm so very sad and confused with every emotion possible. I
am heartbroken for his children, who I know were everything to him, and for his
family,
” Presley told MTV News in a statement.
Political figures also paid their tributes.
California Governor Arnold Schwarzenegger lamented the loss of “one of the most influential and iconic figures in the music industry.”
British Foreign Secretary David Miliband also posted his thoughts on micro-blogging site Twitter. “Never has one soared so high and yet dived so low. RIP Michael,” Miliband wrote.
But the most visible emotion came in spontaneous gatherings of fans here and across the world.
In Los Angeles Lana Brown, a 49-year-old tourist from
In New York`s Times Square, Chantal de Roy van Zuydewijn watched a giant screen broadcasting the news of Jackson`s death with tears running down her cheeks.
He is a legend. He is a genius,” said the 28-year-old Dutch tourist, who had a ticket to the pop legend`s scheduled comeback tour in July.
Jackson`s death came as the singer prepared to make a keenly anticipated concert comeback in
“The people who have surrounded him have been enabling him... if you think that the case of Anna-Nicole Smith was an abuse, it was nothing to what we have seen in Michael Jackson`s life,” Oxman told CNN.
While
He lived as a virtual recluse following his 2005 acquittal on charges including child molestation and plotting to kidnap his young accuser.
Despite his acquittal, the trial was a body blow from which the pop music superstar, who named his ranch after Peter Pan`s “Neverland” of perpetual childhood and furnished it with Disney -inspired rides, struggled to recover.
Born on August 29, 1958, Jackson made his show business debut with four of his elder brothers in the Jackson Five pop group, and went on to lead the stage clan with a piping soprano and dazzling dance moves.
In 1979, Quincy Jones produced Jackson`s first solo album for Epic, “Off the Wall,” a huge disco-oriented success that sold 10 million copies.
They teamed up again in 1982 for what would be Jackson`s breakthrough album as a composer and co-producer, “Thriller,” which became the top-selling album of all time, with sales exceeding 41 million.
Jones reacted with shock after being informed of Jackson`s death Thursday.
“I`m absolutely devastated at this news,” he said. “I just don`t have the words. Divinity brought our souls together and allowed us to do what we could do through the `80s,” Jones said.
Tommy Mottola, the former head of Sony Music who released Jackson`s records for 16 years, said the singer had a place in the pantheon of American music icons, alongside Elvis and Frank Sinatra.
“It`s one of the greatest losses,” Mottola told the Los Angeles Times.
Crowds continued to throng near the
© Copyright Agence France-Presse, 2009 All reproduction and presentation rights reserved.
File Under :
alshabaab
Ururka hubeysan ee Al-shabaab Al-Mujaahidin ayaa maanta xukuno ku fuliyay 4-wiil oo dhalinyaro ah, kadib markii ay dhawaan xukuntay Maxkamad ay leyihiin, waxaana dhalinyaradan laga gooyay lug iyo gacan isdhaaf ah.Afarta dhalinyarada ah ayaa lagu eedeeyay inay dhac u geysteen dad rayid ah, iyadoo Maxkamad lasoo taagay laba maalmod ka hor, lana soo bandhigay qalabkii ay dhacen, iyadoo maanta lagu filiyay ciqaabtii lagu xukumay.
Xukunka lagu fuliyay dhalinyaradan ayaa buuq dhaliyay, iyadoo sarakiisha Al-shabaab ay ku kala aragti duwanaadeen fulinta xukunka, iyadoo saraakiil aan Soomaali ahayn
la sheegay in xukunka la fuliyo.
Dhalinyarada xukunkan gacan iyo lug goynta ah lagu fuliyay maanta ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin: Cali Max'ud Cali Geeddi, Ismaacil Khaliif Cabdulle, Jaylaani Max'ed Xaaji iyo C/qaadi Cadoow Jeylaani.

June 25, 2009
File Under :
doonyo,
Somali News
Deegaankla xeebta ah ee lagu magacaabo Gacan oo 20-km u jira magaalada laasqoray ee Gobolka sanaag ayaa waxaa in mudo ah lagu hayey maraakiib laga kala leeyahay dalalka masar iyo talyaaniga maraakiibtaasi oo ah saddex markab ah.
Laba markab oo ah nooca kaluumysiga waxaa laga leeyahay dalka masar kan saddexaadna waxa alaga leeyahay dalka talyaniga waxaan marakiibtaasi laga qabtay xeebaha somalia gaar ahaanna Biyaha Sooamalida .
Maraakiibta kallumaysiga ee masar laga leeyahay ayaa kooxda Burcada ah ee haysata waxaa ay sheegeen in ay soo qabteen iyaga guranaya kalluunkii iyo khayraadkii soomaaliya isla markaana ay u adkaysan waayeen xalufka aay ku hayaan xeebaha somalia waxaana ay shegeen in ay ka qaadi doonaan lacago ganaax ah.
Markabka kale ee talyaaniga laga leeyahay oo lagu magcaabo Buccaneer ayaa waxa aay sheegeen in ay soo qabteen isaga oo doonayay inuu sun ku aaso xeebaha somalia isaga oo jiidanaya hamo waaweyn oo uu suntaasi ku sido. Waxaa soo if baxayay baryihii ugu danbeysay in shaqaalaha maraakiibtaasi dul saaran ay heysato xaalad nolol xumo ayaa ka hadlay kooxdii afbuubatay maraakiibtaasi.
Waxeyna hoosta ka xariiqeen in dhamaan shaqaalaha saaran maraakiibtaasi ay haatan aad u wanaagsantahay xaaladooda nololeed.
Sidoo kale, Saxaafada oo xiriir la sameeyay kooxda haysata maraakiibtaasi ayaa la weydiiyay cida u xaqiijisay in maraakiibtaasi ay howlaha nuucaasi ah ay wadeen waxaana ay noo sheegeen in Captianka markabka talyaaniga ay waydiiyeen isla markana u u sheegay in labad haamood mid ka mid ah ay ku jirto Kimikal Halka hanta kalena uu ugu sheegay in ay ku jirto naafto lakiin kooxdaasi waxaa ay sheegeen in warkaasi uu yahay mid aanay rumaysanayn oo ay aaminsanyihiin in labada haamodba ay ku jirto Sun khatar ah.
Maraakiibta kale ee masar laga leeyahay ayaa waxa aay xaqiijiyeen inay horey saxaafadda xaalamka u tuseen marakiibta oo dhan isla markana ay wax cad tahay in ay yihiin marakiib kalluumaysi oo ay sitaan shabaagta lagu kalluumaysto oo ay qaataan oo kaliya marakiibta kalluumaysiga, iyo qalabka kaluumaysiga waxaana dul saaran kaluul aad u tira .
Dhanka kale, Afhayeenka Burcada marakiibtaasi gacanta ku haysa oo diiday in magaciisa saxaafadda laga sheego sababo uu ku sheegay miisaanka uu warkaani leeyahay ayaan waydiinay xaalada caafimaad ee shaqaalah markabkaasi waxaana uu sheegay in shaqaalaha maraakiibtaasi aanay xilligani ka warami Karin bacdamaa ay yihiin danbiilayan xeebaha somalia laga qabtay..
Mikoperi waa shirkadda leh milkiyadda markabka Buccaneer oo saldhig ku leh magaalada Ravenna waxay hore jariidada La Repubblica u xaqiijisay "in uusan shaku ku jirin in booyadahaan ay maran-yihiin".
May 20, 2009
File Under :
Arimaha Bulshada,
Baargaal,
Puntland 2009
Axmed Salaad oo ka tirsan Odayaasha ku dhaqan degmada Baargaal ayaa Barnaamijka Xog Ogaal ee ka baxa Horseed Media u sheegay in aysan dadka degaanka Baargaal aysan haysan wax dawo iyo daryeel ah midna.Wax uu ku sheegay in Maamulka Dowlada gaar ahaan kuwa Gobolka Bari ay dhowr jeer oo hore Codsiyo ay u direen aysan ka helin wax Jawaab ah isaga oo sheegay in xaalada dadka Degaankaas ay tahay mid aad u liidata.Wax kale oo uu sheegay in Maamulka iyo Hay’adaha iyo Cid walba oo ku shaqo leh arintaan ay ka codsanayaan in lala soo gaaro Gar gaar deg deg ah isaga oo aad uga deyriyey Xaalka dadka degaanka.
Dawo La’aanta wax weeye dhibta ugu weyn ay haysta dadka degaanka sida uu sheegay Axmed Salaad oo ka tirsan Odayaasha Degaanka Baargaal.
Hadalka odayaasha ayaa yimid Xilli DGPL ay sheegtay in badan ay wax ka qabtay Arimaha Abaaraha kuwaas oo u muuqda in Meelaha ka baxsan Wadada Dheer ee laamiga ay ka jirto Xaalado aad u xun.
Degaano kale oo ka tirsan Goboladda Sanaag iyo Karkaar ayaa sidoo kale waxaa ka soo baxay Qeylo dhan abaar taas oo u muuqta mid soo noq noqtay oo aan lagu guuleysan in wax laga qabto.
Ilaahay waxaan ugu baryeynaa in uu roob raxmaad khayr qaba oo deg-deg inoo keeno weliba oo dhulka oo dhan wada gaadha oo barako leh Ilaahay ha ina siiyo". AAMiin Aaaamiin
Xigasho Waraysigan : HR Media
Read Full Entry
Labels
- africa News (2)
- alshabaab (13)
- Arimaha Bulshada (12)
- Baargaal (1)
- Baro Diinta (1)
- caafimaad (1)
- doonyo (4)
- Education (2)
- English (9)
- featured video (2)
- human rights (1)
- Ila Qosol (10)
- Maahmaahyo (1)
- Make Money (3)
- New Films (1)
- opinion (3)
- Puntland 2009 (6)
- sheeko (9)
- Somali gallery (2)
- Somali News (26)
- somalia war (14)
- somaliland (4)
- Suugaan (7)
- taariikh (2)
- tahriib (1)
- technology (1)
- wararka dunida (5)
RSS Feeds

